
Wasaarada arimaha gudaha soomaaliya oo dhalin yarada u diiday in ay door ku yeeshaan doorashada maamulka Galmudug.
Wasaarada Arimaha gudaha ee xukuumadda soomaaliya ayaa la sheegay in dhalin yarada ku nool Deegaanada Galmudug ay u diiday in ay door ku yeeshaan doorashada maamulka Galmudug.
Sababta ayaa lagu sheegay in ay tahay in wasaarada ay dhalin yarada u sheegtay in ay wax walbo ay qaban lahaayeen dhalin yarada ay qabanayso wasaarada arimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya.
Go’aanka ka soo baxay wasaarada arimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya ayaa arintaasi waxaa walaac xoogan ka muujiyay dhalin yarada ku nool deegaanada Galmudug, waxaana lagu wadaa in goordhow ay shir jaraa’id ku qabtaan Magaalada Dhuusamareeb
Qaar ka mid ah dhalin yarada ayaa ii sheegay in ay ka cabanayaan cadaadiska xoogan ay wasaarada arimaha gudaha xukuumadda soomaaliya saarayso dhalin yarada.