Dowladda Somalia oo dalka keeneysa tallaalka Cudurka CORONAVIRUS * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dowladda Somalia oo dalka keeneysa tallaalka Cudurka CORONAVIRUS

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xilligaan qorsheyneysa in dalka ay keento Tallaalka Caabuqa Coronavirus-ka, iyadoo qeybta ugu horreeysa tallaalka la keeno doono bishaan aan ku jirno ee febraayo 2021.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda ayaa waxaa lagu sheegay in Ujeedka tallaalka loo keenayo ay yahay in dadka soomaaliyeed laga tallaalo xanuunka karoonaha, uuna yeelan doono wajiyo kala duwan, sida ku cad qodobada hoose

1-Shaqaalaha Safka hore:  waxa Talaalka qaadan doona Dhammaan shaqaalaha Caafimaad ee ka hawlgala xarumaha guud iyo kuwa gaarka loo leeyahay, shaqaalaha ku sugan Marinada lagsoo galo dalka sida koontaroollada Xuddudaha dalka, garoomada diyaaradaha, dekedaha iyo wadooyinka laga galo magaalooyinka, shaqaalaha dowladaha hoose ee sida maalinlaha ah ula falgala dadka ay u adeegayaan iyo macallimiinta.

2-Dadka da’da ah (50jir iyo wixii ka weyn)

3-Dadka sida gaarka ah ula tacaala xanuunada ee qaba xanuunada hoos u dhiga difaaca jirka ama si joogto ah ula nool xanuunada

Nooca Tallaalka ee Soomaaliya la keenayo ayaa ah AstraZeneca/Oxford vaccine qiyaasta wajiga hore la heli doono ayaa ah 1,224,000. Tallaalkan waxaa lagu keydin karaa heer kulul u dhaxeeya (2-8) cabbirka heer kulka ee degree centigrade taasoo macnaheedu yahay in lagu kaydin karo habka qaboojiyaha tallaalada ee dalkeennu leeyahay.

Wasaaradda Caafimaadka ayadoo si dhow ula shaqeyneysa hay’adaha WHO, UNICEF iyo Hay’adaha kale ee Caafimaadka kala shaqeeya waxay sida ugu dhaqsiyaha badan u billaabi doontaa Bixinta tallaalka COVID-19 isla marka ay timaado  qeybta ugu horreeysa ee tallaalka.

Wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya waxay mudnaanta siisay diyaarinta habraacyada iyo  Istaraatiijiyadda Tallaalka ayadoo kaashanaysa Hay’adaha bahwadaagta la’ah taasoo awood u siin doonta marka ugu horreysa inay tallaalka qataan shaqaalaha safka hore iyo dadka lanool cudurada halista u ah.

Guud ahaan tirade guud ee tallaalka la gaarsiin doono waa 3,000,000 (saddex milyan) oo qof, tiradaas oo si gaar ah looga tallaali doono xanuunka coronavirus. Qabashada ololayaasha dalka wuxuu uleeyahay qibrad maadama sanadihii hore la qaban jiray ololayaal kala duwan sida Dabeysha iyo jadeecada, isagoo dalku uu ka faaiidaysan doono khibraddaas aan mudada dheer u leenahay qabashada ololayaasha, waxaa inoo sahlanaan doonto bixinta tallaalka COVID-19.

Guddiga Qaran ee ka shaqeynta tallaalka COVID-19 ee la Sameeyey bishii November ee sanadkii tagay 2020 waxay gundhig u ahaayeen dhisidda iyo billaabidda maamulka ama Hay’adda Hay’adda Qaran ee maamusha Daawada iyo Tallaalada Qaranka ee kumeel gaarka ah si ay u qiimeyso oo u kormeerto shuruucda Isticmaalka , Tayada iyo badqabka tallaalka.

Somaaliya illaa iyo hadda waxay xaqjiisay helidda tallaal ku filan 20% dhamaan Bulshada, taasoo dabooli doonta inta badan dadka nugul ee aan kor kusoo sheegnay. Dowladdu waxey ku dadalaysaa sidii dhaqaale kale loogu heli lahaay in dhamaan shacabka Soomaaliyeed helaan tallaalka.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More