Dowladda Somalia iyo QM oo ka shiray arrin muhiim u ah Haweenka

Read Time:36 Second

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Soomaaliya Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa la kulantay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya danjire James Swan.

Kulanka ayaa looga ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin xaqiijinta qoonddada haweenka ee 30%, ilaalinta xuquuqda aadaha xilliga doorashada iyo arrimo kale oo muhiim u ah iyo xoojinta wada shaqeynta wasaaradda iyo hey’adaha Qaramada Midoobay ee wasaaraddu bah-wadaagta yihiin.

Sidoo kale labada mas’uul ayaa ka wada hadlay dardar gelinta shaqada xarunta u qareemidda qoonddada haweenka ee ugu yeraan 30% oo dhowaan wasiirku xarigga ka jartay.

Kulanka ayaa imaanaya, xilli wasaaradda haweenka waddo dadaalo ay ku xaqiijinayso qoonddada haweenka ee 30% oo ay ku leeyihiin Baarlamaanka 11 aad ee doorashadiisa loo madlan yahay.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.