Dowladda Somalia iyo maamulka Somaliland oo maanta wadahadal uga furmayo Turkiga * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dowladda Somalia iyo maamulka Somaliland oo maanta wadahadal uga furmayo Turkiga

Mareeg.com: Waxaa maanta lagu wadaa in uu dib u bilaawdo wadahadalka u socday dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Somaliland. Wufuuda labada dhinac ayaa hadda ku sugan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Somaliland ayaa sheegtay in aanay aqbali doonin in dad u dhashay deegaannada Somaliland ay wadahadalada u matalaan dhinaca dowladda Federaalka ah.

Labada wafdi ayaa xalay ku wada sugnaa hotel ku yaalla magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, waxaana saaka halkaas uga furmaya shir ay dhexdhexaadineyso dowladda Turkiga.

Wafdiga dowladda Soomaaliya u dirtay wadahadalka ayaa waxaa hogaaminaya Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Odawaa, waxaana xubno ka ah Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Cali Axmed Jaamac Jengeli, Wasiirkii hore ee gaadiidka iyo duulista Hawada Saciid Qoorsheel iyo xubno kale.

Dhanka Somaliland, waxaa hogaaminaya Wasiirka Arrimaha Dibadda maamulkaas, Maxamed Biixi Yoonis, waxaana xubno ka ahn Wasiirka Beeraha, Faarax Cilmi Geedole, Wasiirka Duulista iyo Hawada, Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Cabdi Aw Daahir, Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Golaha Wakiilada, Baashe Maxamed Faarax, Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Guurtida, Siciid Jaamac Cali, Xildhibaan Kijaandhe iyo Xildhibaan ka socday Golaha Guurtida.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga ayaa sheegay in ajandaha shirka maanta la shaacin doono.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!