
Musharaxiinta Mucaaradka ee aan isdiiwaan gelin ayaa war ay soo saareen waxaa ay ku cambaareeyeen Xarig iyo musaafirin ay sheegeen in lagula kacey mid kamid ah Xildhibaanadii hore ee Baarlamaanka galmudug oo Dowlada dhaliilay,kaas oo lagu Magacaabo Sheekh Cumar Mahadalle.
Qoraal ay soo saareen musharixiinta oo kala ah,C/raxmaan Odawaa,Cabdullaahi faarax Wehliye,Cabdi Dheere iyo Kamaal Guutaale ayaa waxaa ay ku sheegeen in markii hore si sharci darro ah dhuusamareeb loogu xirey,kadib markii uu dhaliiley faragelin ay sheegeen inay dowladda Soomaaliya ku heyso doorashada Galmudug.
Sidoo kale waxaa ay sheegeen Musharixiinta in qof walba uu xor u yahay in uu cabiro aragtidiisa Guud,isla markaana uu Dastuurka dalka siinayao,waxana ay baaq u direen Dowladda Soomaaliya.
Qoraalkooda oo laba bog ka kooban ayaa sidoo kale waxaa ay ku sheegen in Ciidamo ka tirsan Nabadsugida Soomaaliya ay Xildhibaa hore Sheekh Cumar Mahadalle Magaalada dhuusamareeb ka musaafuriyeen,isla markaana amarkaas uu bixiyey Ra’iisul Wasaare Kheyre.
Hoos Ka Akhriso Qoraalka ay soo saareen musharixiinta aan is diiwaangelin.