Dowladda oo u digtay dadka Garsoorka u doonta Al-Shabaab

Read Time:50 Second

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda ee dowladda Federaalka Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in looga baahan yahay dadka Garsoorka u doonta Al-Shabaab inay ku kalsoonaadaan Hay’adaha Garsoorka dalka.

Waxaa uu sheegay in dib u habeyn ay ku wadaan Garsoorka Soomaaliya,isla markaana dadka Shacabka uu uga digay inay Garsoor u doontaan Maxkamadaha Al-Shabaab ilaa inta laga saxayo hay’adaha Garsoorka Soomaaliya.

Saraakiisha Maxkamadaha dalka ayuu dhankooda waxaa uu ugu baaqay in si cadaalad ah ay ugu shaqeeyaan Shacabka,isla markaana ay kasbadaan si kalsooni buuxda loogu qabo u adeegida Bulshadooda.

Marar badan ayay soo baxday Warar sheegayay in dadka Shacabka ah ay garsoor u doontaan Maxkamadaha Al-Shabaab,kadib cadaalad darro ay kala kulmaan Maxkamadaha dalka,hayeeshee dowladda Soomaaliya ay sheegtay in marnaba aysan aqbaleyn in dadku garsoor u doontaan dhinaca Al-Shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa horay u sheegay in dowladiisa ay ka Shaqeyn doonto dib u habeynta Garsoorka dalka,iyada oo tababaro badan la siiyey qaar kamid ah Garsoorayaasha Maxkamadaha dalka.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.