Dowladda oo si yaab leh u beenisay Hadal kasoo yeeray RW hore Kheyre * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dowladda oo si yaab leh u beenisay Hadal kasoo yeeray RW hore Kheyre

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyadda iyo hay’adaha dawliga ah ee u xilsaaran ilaalinta hantida dawladda ay ka shaqaynayaan in hantida dawladda aan si qaldan loogu adeegsan doorashada soo socota ee heer Federaal.

Waxa uu sheegay in qarashka ku baxaya doorashada dhammaystirkeeda ay ka wada shaqaynayaan beesha caalamka iyo dawladda 27-da bishan si loo diyaariyo lacagta doorashada oo lagu qiimeeyey ilaa 40-milyan oo Doller, isla markaana DFS bixinayso 10% oo u dhiganta 4-milyan oo Doller, taas oo lagu caddeeyey miisaaniyadda 2021-da.

Lacagtaas ayaa loo qoondeeyey in lagu fuliyo hawlaha baaxadda leh ee doorashada, sida safarada gudiyada doorashada heer Federaal iyo heer dawlad goboleed, goobaha ay dagayaan, xafiisyada shaqada, tababarrada Ergada iyo gunooyinka hawlwadeenada.

Wasiir Beyle  ayaa xusay in aanu jirin dawlad ama hay’ad caalami ah oo Soomaaliya ka joojisay lacag ay siin jirtay sabab la xiriirta doorashada dalka ka dhacaysa, waxaana uu xusay in xiriirka wada shaqayneed ee Soomaaliyada la leedahay Bankiyada caalamiga ah iyo hay’adaha dhaqaalaha adduunka uu yahay mid wanaagsan.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre ayaa dhawaan sheegay in dowladda Federaalka laga joojiyay lacag badan oo  lasiin jiray dowladda Soomaaliya, sababo la xiriira muranka ka taagan doorashada ka dhaceysa dalka.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More