Dowladda oo sheegtay iney qabatay sarkaal Shabaab * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dowladda oo sheegtay iney qabatay sarkaal Shabaab

Mareeg.com: Ciidanka Sirdoonka iyo Nabadsugidda Soomaaliya oo howlgal ka sameeyay Hotello ku yaala Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa gacanta nin ay sheegeen inuu yahay sarkaal ka tirsan Alshabaab, oo ku sugnaa hotel lagu magacaabo Kismaayo2.

Lama shaacin magaca sarkaalka la sheegay in laga soo qabtay gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, waxaase la sheegay in la baarayo.

Ciidanka Nabadsugidda ayaa sidoo 8 qof oo kale ka qabtay gudaha Suuqa Baakaraha, kuwaasoo baaritaan ku socdo. Dadka qaar ayaa laga soo qabtay Hotel kale oo lagu magacaabo Kismaayo2.

Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya, Jeneraal Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare oo kormeer ku tegay Hoteelada ay ciidanka howlgalka ka sameeyeen ayaa amray in gabo ahaanba lala wareego 2-da hotel oo lagu kala magacaabo Kismaayo1 iyo Kismaayo2 oo ku yaalla gudaha suuqa Bakaaraha.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga gudaha, Maxamed Yuusuf Cismaan oo saxaafadda kula hadlay gudaha Suuqa Bakaaraha ayaa sheegay in ciidanku ay sii wadayaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Afhayeenka ayaa markale digniin u diray milkiilayaasha guryaha iyo Hoteelada magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in lala wareegayo haddii shaqsiyaad ka tirsan Shabaab lagu qabto guryaha ama hoteelada ay leeyihiin.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!