Dowladda oo shaacisay in Muqdisho laga badbaadiyay isku day Afgembi * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dowladda oo shaacisay in Muqdisho laga badbaadiyay isku day Afgembi

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Federaalka ee xilka sii-haya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in Jimcadihii lasoo dhaafay Magaalada Muqdisho uu ka dhacay isku day lagu doonayay in lagu qabsado Afgembi.

Wasiir Dubbe oo ka qeyb galayay kulan dood looga hadlayay xaaladda dalka iyo Doorashada ayaa sheegay in Ciidanka amniga ay ka hortegeen qorshe lagu damacsanaa in dowladda Federaalka lagu rido oo Magaalada lagu qabsado Afgembi.

Waxaa uu sheegay in Ciidamo hubeysan la keenay meel ku dhow Xarunta Madaxtooyada oo ula jeeday Ciidankii uu watay Gen. Indha-cadde oo sheegay in dalka aysan dowlad ka jirin, kadibna ay weerar ku qaadeen Ciidanka dowladda Federaalka.

Ciidanka Booliska dowladda ayuu Wasiir Dubbe sheegay inay kahor tageen isku dayga Afgembi, isla markaana xusay in wax la aqbali karo aysan arrintaas aheyn, ayna Mas’uul ka yihiin cid kasta oo tallaabadaas abaabushay.

Gaba-gabadii Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Cismaan Dubbe ayaa tilmaamay in dalka ay ka dhaceyso doorash oo dowladda wado dadaalo kala duwan, wuxuuna sii raaciyay hadalkiisa inay guuleysan doonaan.

Hadalka Cismaan Dubbe ayaa kusoo beegmay, iyada oo taaladda Daljirka daahsoon uu dagaal ku dhexmaray Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa daacad u ah Musharaxiinta Madaxweynaha, sidoo kalena  dowladda banaanbax ballaaran oo ay soo abaabuleen Musharaxiinta is hor istaag ku sameeysay.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More