Dowladda oo markii 2-aad dib u dhigtay imtixaanka mideysan ee ay qaadeyso

Mareeg.com: Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ayaa markii 2-aad dib u dhigtay Imtixaana mideysan ee ay dooneyso iney ka qaaddo ardayda ka qalin jebinaya dugsiyada sare ee Muqdisho iyo meelo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya, kaasoo horay loo shaaciyey in la qabanayo 13-ka bishaan June oo ku beegan beeri oo sabti ah.

Wasiir ku xigeeenka wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Xaamud Cali Xasan oo warbaahinta maanta la hadlay ayaa waxaa uu ku dhawaaqay dib u dhacan cusub iyo waxyaabaha keeenay.

“Waxaan ogeysiineynaa ardayda sanad dugsiyadeeda 2014 -2015 ka imtixaanka gali lahayd ee lagu balansanaa maalinta sabtida ee bishu 13 tahay Juun in la galo in 2 cisho aan ku darnay oo la gali doono bisha 15 keeda maalinta Isniinta ah, taasoo ah arimo farsamo awgooda iyo ID yadii oo aan wax ka saxeyno iyo ardayda oo nagu soo badatay oo hadda is diiwaan galineysa awgeeed, Marka waxaan dadka ogeysiineynaa in howsheenu noogu noqoto howl dhameestiran in maalinta isniinta dib loogu dhigo Imtixaanka” ayuu yiri wasiirka.

Imtixaankan ayaaa waxaa horay loo qorsheeyey in la qaado 30-kii bishii hore ee May, hase ahaatee dib ayaa loo dhigay, waxaana dib u dhaca maanta soo baxay yahay kii labaad.

Waxaa xusid mudan in ilaa haataan aan ardayda lagu wargelin goobta lagu qaadayo imtixaanka, iyadoo loo badaniyo in loo qariyey sababo amaan.

Dalladaha Ahliga ee Waxbarashada ayaa qaaddacay Imtixaanka, iyagoo sheegay in xaaladda amaan iyo manjhaj mideysan oo aan jirin ay caqabad ku yihiin imtixaankaas.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245