Dowladda oo kala dirtay masuuliyiintii rugta ganacsiga gobolka Banaadir

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya ayaa Maanta kala diray dhamaan masuuliyiintii Rugta Ganacsiga ee Gobalka Banaadir, kadib wareegto ka soo baxday xafiiska Wasiirka.

Ciidamada NISA ayaa dhawaan xiray Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Gobalka Banaadir iyo ku xigeenkiisa, oo la sheegay in ay ku yimaadeen magacaabista Al-Shabaab.