Dowladda oo Kaamirooyin ku xirtay Wadooyinka Muqdisho+Sawirro

Read Time:28 Second

Qaar kamid ah Waddooyinka ku yaalla Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa waxaa saacadihii lasoo dhaafay lagu xiray Kaamirooyin nooca CCTV.

Kaamirooyinka Cusub ayaa lagu arkayay Isgoysada qaar ah ee Muqdisho, kuwaasi oo loogu talagalay in loo adeegsado dhanka amniga Caasimadda sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda.

Sawirro laga soo qaaday Kaamirooyinka laguna faafiyay baraha Bulshada ayaa lagu arkayaa iyaga oo lagu xiray Baallooyin u gaar ah, isla markaana la suray laamiga dhinaciisa.

Sidoo kale Kaamirooyin ayaa sigaar ah xiritaankooda loogu bilaabay Waddooyinka ku dhow Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya iyo Isgoysyo kale.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.