
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sirasmi ah waxaa ay ugu dhawaaqday in la joojiyey lacag dhan (Afar Boqol iyo labada iyo Sideed Kun) oo la siin jirey Bishii Maamulka Galmudug balse Magaca Maamulkaas uu ku qaadan jirey Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
Qoraal kasoo baxay Hanti dhowraha Qaranka lana ogeysiiyey Wasaaradda Maaliyadda,Xisaabiyaha Guud iyo Bangiga Dhexe ayaa lagu sheegay in gebi ahaan lacagtaas la joojiyey marka laga reebo kuwa la siiyo Ciidamada iyo Shaqaalaha Maamulka.
Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in tallaabadaan ay ku yimid,kadib Qoraal kasoo gaarey Sanotaro ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya gaar ahaan kuwa laga soo doortey deegaannada Galmudug.
Si kastaba Go’aanka dowladda ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Xaaf uu Magacaabey Guddi doorasho,isla markaana uu kasoo horjeestay sida dowladda u wado dhismaha Galmudug.