Dowladda oo hakisey bixinta Baasaboorka Soomaaliya

Read Time:39 Second

Dowladda Federaalka ah ee Soomalaiya gaar ahaan hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa waxaa ay ku dhawaqdey in si KMG ah loo hakiyey bixinta Baasaboorka Soomaaliya.
Qoraal kooban oo kasoo baxey Hay’adda ayaa waxaa lagu sheegay in bixinta baasaboorka la hakiyey laga bilaabo 27 Bisnaa ilaa 2 Bisha soo socota ee Febaraayo.

Sababaha keenay in la hakiyo bixinta Baasaboorka Soomaaliya ayaa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha waxaa ay ku sheegtay sababo la xiriira Howlo farsamo iyo hormarin ah oo ku socota.

“Howlo farsamo iyo hormarin ah oo ka socda habka bixinta baasaboorka awgood, waxaa muwaadiniinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan lagu wargelinayaa in laga bilaabo Jannaayo 27, 2020 (Maalinta Isniinta) ilaa Febaraayo 2, 2020 (Maalinta Axadda ah) la hakiyey qabashada codsiyada baasaboorka ayaa lagu yiri”War kasoo baxey Hay’adda Socdaalka.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %