Mareeg Media
Somalia

Dowladda oo faah faahisey xaaladda dhaawacyada qarixii shalay

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ayaa ka warbixiyay xaalada dhaawacyadii Waxyeelada Kasoo gaartay qaraxii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo gurmad ka yimid dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga.

Wasiirka ayaa sheegay in ay ku mashquulsanyihiin kala soocidda dhaawacyada, si deg deg loogu qaado kuwa culus ee aan wadanka gudihiisa waxba looga qaban Karin.

Wasiir Maareeye ayaa sheegay in ay soo gaartay Muqdisho diyaarad ay la socdaan dhaqaatiir iyo daawooyin ay soo dirtay dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga , isagoo xusay in ay diyaaraddaas la socdeen ilaa iyo 24 dhaqtar oo ka qayb qaadan doono daawaynta dhaawacyada qaraxii shalay.

Wasiirka ayaa xaqiijiyay in ay diyaaraddan ay qaadi doonto ilaa dhowr iyo toban ruux oo la is leeyahay waxa ay u baahanyihiin isbitaal ka casrisan isbitaalada magaalada Muqdisho

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!