Dowladda oo bilaawday Imtixaanka Ruqsad bixinta Nootaayanimada

Read Time:46 Second

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Xukuumadda Soomaaliya  Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka daah-furay Imtixaanka Ruqsada bixinta Nootaayanimada, kaas oo ay imtixaan u galayaan ku dhowaad 40 qof oo doonaya in ay helaan Ruqsada Nootaayanimada Dalka.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, ayaa tilmaamay in Imtixaankaan uu ku soo aadaayo mudDo 30 sano ah kadib in laga hirgaliyo si hufan oo loo siman yahay dalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale bogaadiyay Guddiga soo diyaariyay imtixaanka oo ka koobnaa ilaayo 3 hay-adood oo kala ah Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka, Maxkamada Racfaanka iyo Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale ayaa wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xasan Xuseen Xaaji, kula dar-daarmay, sharciyaqaanada nasiibka u helay in ay galaan Imtixaanka maanta, hadii ay ku guuleystaan ay masuuliyadda hantida umadda ay amaano ku tahay madaama ay dukumiintiyo muhiim ah ay u kala wareejinayan muwaadiniinta Soomaaliyeed, ayna muhiim tahay ilaalinta bad-qabkooda in la ilaaliyo Laguna ilaaliyo sifo sharciga waafaqsan.

 

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.