
Muqdisho, Mareeg.com: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Villa Somaaliya ku qaabilay Safiirka Dowladda Nigeria Akin Oyateru.
Waxaa kunalkaasi goob joog ka ahaa R/Ku Xigeenka ahna Wasiirka arrimaha dibadda Fawsiya Yuusuf Xaaji, Wasiir ka socday Uganda A.F.Okoh iyo Saraakiil sare oo booliska Nigeria ka tirsan waxeyna muujiyeen in ay Nigeria ka go’antahay taageeridda dowladda Soomaaliya.
Dowladda Nigeria ayaa waxaa ay qeyb ka ahaayeen ciidamadii UNISOM ee sanadkii 1991 ka howl galay Soomaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu yiri “Soomaaliya waxey ku soo jirtay dagaal muddo dheer soo socday oo la dagey dhammaan hay’adaha dowladda oo hadda aan dib-u-dhis ku wadno. Dowladda Nigeria waxey hadda qeyb ka tahay Ciidamadda booliska AMISOM.
Safiirka Nigeria ayaa wuxuu Madaxweynaha u gudbiyay warqad uu ka siday Madaxweynaha Nijeeriya Goodluck Jonathan taas oo lagu casuumay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya in uu booqasho rasmi ah ku tago dalka Nigeria.
Soomaaliya iyo Nigeria ayaa wadaaga mushilad isku mid ah, iyadoo labada dal ay dagaallo ka wadaan labo urur oo isku feker ah, kuwwasoo kala ah Alshabaab iyo Boka Haram oo ka jirta Nigeria.
Mareeg.com