Qaahira, Mareeg.com: Golaha wasiirada dowladda KMG ah ee dalka Masar ayaa Ururka Al-akhwaanul Muslimiin u aqoonsaday Urur argagixiso, waxeyna ku hanjabeen in talaabo adag oo sharci laga qaadin doono cid kasta ee ku howlan fidinta dacaayadiisa.
Golahya wasiirada dalka Masar ayaa Al-akhawanul Muslimiin ku eedeeyey iney ka dambeeyeen qarax xoog leh oo todobaadkaan lala beegsaday dhismaha ciidamada amaanka ee magaalada Al-diqiliya, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 10 ruuxu, tiro ka badan 100 ay ku dhaawacmeen.
Golaha wasiirada ayaa ciidamada qalabka sida ee Masar u xilsaaray ilaalinta hay’adaha dowladda, sida ku cadeyd bayaan uu warbaahinta u aqriyey ku xigeenka R/wasaaraha dalkaas, islamarkaana ah wasiirka Tacliinta sare Xusaam Ciisaa.
Dhanka ciidamada booliska ayaa loo xilsaaray iney ilaaliyaan amaanka Jaamacadaha Masar.
Wasiirka Arrimaha bulshada Masar Axmed Al-burci ayaa usoo jeediyey qof kasta ee ka tirsan Al-akhwanul Musliliin iney isaga baxaan haddii aysan gacmahoodu dhiig laheyn.
Dhinaca kale, Xarakada Al-akhwanulmuslimiin ayaa go’aanka dowladda KMG ah ee Masar ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin oo kazoo baxay dowladda baadil ah.
Xarakada Al-akhwanulmuslimiin ayaa sheegtay in go’aanka xukuumaddu uusan ku taagneyn wax qaanuun ah, islamarkaana uusan waxba ka badeli doonin xaalka hadda jira.
Xarakada Al-akhwanulmuslimiin ayaa bogga rasmiga ah ee ay ku leedahaya Twitter ku sheegtay in xukuumadda afgebmiga ay Masar ka geysatay nuuca dambiyo ugu xun, goor dhowna sharciga hortiisa la keeni doono.
Xarakada Al-akhwanulmuslimiin waxaa ka mid ah madaxweynihii ciidamadu xilka ka tureen ee Dr. Muxamed Mursi, kaasoo iminka xabsi ku jira. Dr. Mursi waxaa doortay dadka Masar, hase ahaatee ciidamada ayaa xilka ka tuuray bartamaihii sanadkaan 2013.
Mareeg.com