Mareeg Media
Somalia

Dowladda Kuwait oo ka digtay faragelin lagu sameeyo midnimada Somalia

Dowladda Kuwait oo kamid ah dowladaha Carbeed ee taageera Soomaaliya ayaa sheegtay inay muhiim tahay in la dhowro midnimada iyo jiritaanka dalka Soomaaliya,isla markaana Qaramada Midoobey iyo Beesha Caalamka looga baahan yahay inay dhowraan.

La-taliyaha Wafdiga Dowladda Kuwait ee Golaha amaanka ee Qaraada Midoobey Nawaf Al-Ahmad ayaa ka digay in Soomaaliya lagu sameeyo faragelin siyaasadeed iyo mid dhuleed,waxaase uu soo dhaweeyey mudo kordhinta lagu sameeyey cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu sheegay isaga oo ka qeyb-galayay fadhigii ay yeesheen golaha Ammaanka ee Qaramada midoobey inay soo dhaweynayaan horumarka ay sameysay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay inay muhiim tahay in dowladda iyo dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka u mudoobaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sida loo gaari lahaa guulo waaweyn.

Sidoo kale Beesha Caalamka ayuu ka dalbaday in Soomaaliya laga taageero sidii ay xasilooni uga gaari lahayd dalkeeda islaarkaana uga gudbi lahayd caqabadaha dhinacwalba ka heysta.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!