
War-saxaafadeed kasoo baxay Safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya ayaa loogu hadlay hadalkii dhawaan kasoo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ee ahaa in Cunaqabateynta laga qaado Eretria, si loogu shaqeeyo hormarka qaaraddda Afrika.
Jabuuti ayaa sheegtay in aan la aqbali Karin hadalka kasoo yeeray farmaajo,islamarkaana sidoo kale Eretria ay xoog ku haysato dhul ay leedahay Jabuuti.
Dhanka kale Safiirka Jabuuti ee Soomaliya ayaa maanta ka ambabaxay Magaladda Muqdisho,wuxuuna gaaray Magaaladda D.Jabuuti ee caasimada dalkaas.
Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ayaa todobaadkaan kaga dhawaaqay Magaalada Asmara ee dalka Eretria, in cunaqabeynta laga qaado.