Dowladda Jabuuti Oo Bilowday In Dadka Uga Digto In Alshabaab Ku Dhex Dhuuntaan

Read Time:1 Minute, 13 Second

Jabuuti: Dowladda Jabuuti ayaa bilowday in dadka ku dhaqan caasmadda ay ku wargeliso iney iska ilaaliyaan in xubno ka tirsan Alshabaaab kusoo dhex dhuuntaan si ay weeraro uga geystaan dalkaas.

Wasiirka arrimaha gudaha dalka Jabuuti, Xasan Cumar Maxamed u sheegay shacabka dalkiisa in Al-shabaab yihiin cadow shisheeye oo weerar ku ah dalkaas.

Wasiirka ayaa hadalkan ka jeediyey kulan lagu soo dooranayay guddi ay yeelato xaafadda Balbala ee magaalada Jabuuti, wuxuuna shacabka xaafadaas ka dalbaday inay ka digtoonaadaan inay soo dhaweeyaan kooxaha Al-shabaab ka tirsan ee doonayay inay dalkooda dhibaatada ka geystaan sida uu yiri.

“Cadow shisheeye oo Al-shabaab la dhaho ayaa waxay ku goodiyeen inay weerari doonaan dalkeenna, waxayna yiraahdeen waxaan burburinnay Soomaaliya, Kenya, Masar, Yemen iyo dalal kale, Jabuutina waan burburinaynaa,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Jabuuti.

Wasiirka arrimaha gudaha dalka Jabuuti, Xasan Cumar Maxamed ayaa sheegay in Jamhuuriyadda Jabuuti ay go’antahay iney iska difaacdo weerar walba oo dibadda kaga yimaada.

Wasiirka ayaaa shacabka Jabuuti ka codsaday iney la shaqeeyaan ciidamada ammaanka si looga hortago weerar kasta oo Alshabaab la doonayaan dalkiisa.

“Dadweynaha waxaa laga doonayaa iney ka digtoonaadaan inay soo dhaweeyaan kuwa doonaya inay dalkooda dhibaateeyaan, islamarkaana ciidamada amaanku usoo sheegaan wixii ay arkaan” ayuu yiri wasiir Xasan Cumar Maxamed

Dhawaan ayaa Alshabaad hanjabaad u jeediyeen Jamhuuriyadda Jabuuti oo ka mid ah dalalka ciidamada ku deeqay howlgalka Midowga Afrika ee AMSIOM, iyadoo ciidamada gaaraya ilaa 1000 askari ka joogaan magaalada Baledweyne ee xarrunta gobolka Hiiraan.

Mareeg.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %