Dowladda Imaaratka Carabta oo qalab ciidan ugu deeqday Nabadsugidda Soomaaliya (Sawirro) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dowladda Imaaratka Carabta oo qalab ciidan ugu deeqday Nabadsugidda Soomaaliya (Sawirro)

Muqdisho – Mareeg.com: Dowladda Imaaraatka Carabta (UAE) ayaa maanta (19-4-2014) gaadiid iyo qalab ku wareejisay hay’adda nabadsugidda Soomaaliya, kadib munaasabad ka dhacday Muqdisho.

Danjiraha dalka Imaaraatka Carabta u fadhiya Soomaaliya, danjire Mohamed Al-Othman ayaa ilaa 10 gaadiid ah iyo derees ku wareejiyey agaasimaha hay’adda nabadsugidda Somaaliya Jen. Bashiir Goobe.

Danjire Mohamed Al-Othman ayaa sheegay in dowladda Imaaraatka Carabta oo Soomaaliya horay uga wday mashaariic kala duwan oo hurumarineed ay hadana taageereyso ciidamada amaanka Soomaaliya.

“Deeqdan waxay qeyb ka tahay dadaalka ay dowladda Imaaraatku ugu jirto inay kaalin ka qadato nabad iyo xasillooni kusoo celinta Soomaaliya, iyadoo taasna ay nagu hageyso xiriirka walaalnimo iyo taariikheed ee ay wadaagaan labada dowladood iyo labada shacab” ayuu yiri danjiraha Imaaraatka Carabta u fadhiya Soomaaliya

Sidoo kale, danjiraha ayaa yiri: “Waan sii wadi doonnaa taageerada aan la garab taagannahay dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda, taageeradaasoo dhinacyo kala duan lahaan doonta, ha ahaato mid amni, mid millatari, mid dhaqaale iyo mid hurumarneed.”

Taliyaha nabad-sugidda Soomaaliya, Jen. Bashiir Maxamed Jaamac oo ka hadlay isaguna xafladda guddoonsiinta qalabka ayaa u mahad-celiyay Imaaraadka isagoo yiri: “Deeqdan ay dowladda aan walaalaha nahay ugu deeqday ciidanka nabad-sugidda Qaranka waxay qeyb ka tahay taageerada ballaaran ee dowladda Imaaradku la garab-taagan tahay shacabka iyo dowladda Soomaalia.”

Bashiir Goobe ayaa dowladda Imaaraatka Carabta uga mahadceliyey taageerada ay siineyso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo doonaya iney kazoo kabtaan burburkii ku dhacay.

Jen. Bashiir ayaa intaa raaciyay: ”Dowladda Imaaraadka ma ahan deeqdii ii ugu horreysay ee ay u fidiso dowladda Soomaaliya iyo ciidamada nabad-sugidda ee waxaa jira taageero kala duwan oo soo socotay muddooyinkii lasoo dhaafay sida safiirkuba u sheegay, taasoo wax weyn ka tartay wax-qabadaka ciidammada ammaanka iyo tayeyntooda.”

Dowladda Imaaraadka ayaa ka wadda Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada dalka, mashaariic kala duwan oo ay ka mid yihiin: dhismaha isbitaallo, xarumo boolis, xarumo maamul iyo mashaariic bani’aadannimo oo kaalmo loogu fidinayo dadka tabaaleysan.

Sidoo kale, dowladda Imaaraatka ayaa horay u caawiyey dad Soomaaliyeed oo qaba dhibaatooyin caafimaada, iyadoo sidoo kalana dalkeeda dhawaan kusoo tababaartay ciidamo gaar ah oo ilaaliya madaxtooyada Soomaaliya.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!