Dowladda Federalka oo ka hadashay dagaalka ka dhacay Baladweyne iyo xiisada ka taagan * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dowladda Federalka oo ka hadashay dagaalka ka dhacay Baladweyne iyo xiisada ka taagan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay xiisada ka taagan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, kadib markii shalay halkaas uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidanka Dowladda iyo kuwa Jabhada Jeneraal Abuukar Xuud.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda ayaa waxaa marka hore Bulshada Baladweyne loogu baaqay in tabashada ay qabaan si nabad ah ku sheegtaan oo ka fogaadan wax kasta oo keeni kara xasillooni darro.

Wasiir Mukhtaar Xuseen Afrax oo Qoraalka Wasaaradda soo saaray ayaa sheegay inay socdaan dadaalo lagu doonayo in si nabad ah lagu wada hadlo, wuxuuna Culimada, Ganacsatada iyo Duubabka dhaqanka ka dalbaday inay u istaagan adkeeynta xasiloonida, maadaama Baladweyne ay ka dhaceyso Doorasho.

Sidoo kale Wasiir Mukhtaar ayaa tilmaamay in muhiim ah in laga fogaado wax kasta oo keeni kara xasillooni darro, isagoona sheegay in Magaalada Baladweyne ay kamid tahay goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka Baarlamaanka Federaalka.

Baladweyne ayaa waxaa shalay ka dhacay dagaalo u dhxeeeyay Ciidanka Dowladda, kuwa Hirshabeelle iya Ciidanka Jabhada Jeneraal Abuukar Xuud, waxaana dagaalkaas uu geystay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.

Muqdisho-Somalia

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.