Muqdisho, Mareeg.com: Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay $1 Milyan dollar ugu deeqday dadka ay dhibaatadu ka soo gaartay roobka dabeylaha wata ee ka da’ay deegaanno hoos taga maamulka Puntland.
Golaha wasiirrada oo shalay shir aan caadi aheyn ku yeeshay Muqdisho ayaa war ay soos aareen ku sheegay in la isla gartay magacaabista guddi heer qaran ah oo ka kooban 4 wasiir, xubno ganacasato ah iyo xubno ka socda bulshada raydika Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha saacid oo saxaafada la hadlay m ayaa sheegay in uu tacsi tiiraanyo leh u dirayo qoysaska dadkii ku dhintay Dufantaas, uguna baaqay beesha caalamka in ay gurmad deg deg ah la soo gaarto deeganada ay Duufaantu ku dhufatay.
“Waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa qoysaska dadkii ku geeriyooday iyo kuwii xoolahoodu ku dhamaadeen Dabaylaha iyo Roobabka wada socday ee ku dhuftay dhul balaaran oo ku yaala Puntland. Anigoo aad uga xun kuna hadlaya magacayga, kan Xukuumadda iyo kan shacabka Soomaaliyeed waxaan diyaar la nahay inaan dhibka la qaybsano reer Puntland, ka xukuumad ahaana waxaan qayb weyn ka qaadanaynaa sidii loogu gurman lahaa dadka ku waxyeeloobay Dufaantaas. 24-kii saac ee la soo dhaafay waxaan labo jeer xariir la sameeyey Madaxweynaha Puntland si aan wax badan uga ogaado halka ay marayso xaaladu. Damqashada naga haysa daraadeed waxaan galabta isugu nimid shir deg deg ah oo aan uga xaajoonayno sidii gurmad loogu fidin lahaa” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid.
Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Cabdikarin Xusein Guleed oo faah-faahin ka bixinayey qaabka loo wajahayo masiibadaan ayaa carabka ku adkeeyey in dowladda Soomaaliya ay kaalin muuqata ka qaadanayso dhibaatada dabiiciga ah ee ka dhacday Puntland.
“Dufaanta waxaa ka dhashay khasaaro aad u balaaran waxayna ku dhufatay laga soo bilaabo Laasqoray ilaa Hobyo, waxaana ilaa hada la xaqiijiyey inay ku dhinteen 101 qof, waxay saamayn ku yeelatay dad gaaraya 50,000, ilaa 5,000 oo ka mid ahna waxay ku go’doonsan yihiin deegaamada ay Duufaantu wax yeelaysay, iyadoo laga cabsi qabo in khasaaruhu intaas ka sii bato maxaa yeelay dad badan ayaa ku go’doonsan Tuuloyin badan oo ku yaala xeebta” ayuu yiri Wasiirku
Warka kazoo baxay xuumadda Soomaaliya ayaa lagu xusay qodobada hoos ku qoran:
1. In Tacsi Tiiraanyo leh loo diro dhamaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka reer Puntland oo masiibadaan ku habsatay.
2. In Golluhu ku dhawaaqay waxaa meeshaas ka dhacay in ay tahay Masiibo Qaran, taas oo macanaheedu yahay in ay waajib tahay in dowladda Soomaaliya, Shacabkeeda iyo Beesha Caalamku ay u gurmadaan dhibaatada ka dhacday meeshaas.
3. In Wafti Heer Wasiir ah loo diro Puntland si ay u soo qiimeeyaan dhibaatoyinka ka dhashay duufaantaas, loolana qaybsado dhibka soo gaaray.
4. In dowladda Fedraalka Soomaaliya ay ugu deeqday dadka dhibaatadu soo gaartay lacag gaaraysa $1,000,000 (Hal Milyan oo Dollar), iyadoo shacabka kale ee Soomaaliyeedna loogu baaqay in ay deg deg u soo gaarsiiyaan gar-gaar kaas la mid ah.
5. Golluhu wuxuu isku raacay in la magacaabay gudi heer Qaran ah oo ka kooban
• Wasiirka Arrimaha Gudaha, C/kariim Xuseen Guuleed
• Wasiirka Maaliyadda, Maxamuud Xasab Suleymaan
•Wasiirka Adeega Bulshada, Maryan Qaasim Axmed
• Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiim Xaaji Fiqi
• Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan
• Laba Xubnood oo ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed
• Iyo Xubin ka mid ah Bulshada Rayidka ah
Gudigaan ayaa waxaa uu noqonayaa wajibaadkiisa in ay abaabulaan kaalmooyinka ka imanaya shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa iyo gudihiisa. Sidoo kalana waxay qaylo dhaan gaarsiiyaan beesha caalamka sidii ay uga bixin lahayd jawaab deg deg ah masiibada ka dhacaday Puntland.
Mareeg.com