Dowladda Federaalka oo shir deg deg ah isugu yeertay Madaxda maamul goboleedyada * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dowladda Federaalka oo shir deg deg ah isugu yeertay Madaxda maamul goboleedyada

October 13 (mareeg)— Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku casuuntay Madaxda maamul goboleedyada inay shir deg deg ah isugu yimaadaan magaalada Muqdisho dhamaadka bishan.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Eng. C/raxmaan Yariisow ayaa sheegay in Madaxda maamul goboleedyada loo diray casuumaad inay yimaadaan Muqdisho.

Eng. Yariisow ayaa sheegay in baaqii ka soo yeeray Madaxweyne Farmaajo ee ahaa in laga wada shaqeeyo midnimada iyo wadajirka ayuu sheegay in Golaha Wasiirada ay soo dhoweeyeen.

“Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha waxay casuumaad rasmi ah u direen Madaxda dowlad goboleedyada, si looga hadlo xiriirka iyo wada shaqeynta”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa shir ay ku yeesheen magaalada Kismaayo ka soo saaray war murtiyeed ka kooban dhowr qodob, waxaana ay muujiyeen tabashooyinka ay ka qabaan Xukuumadda iyo sida aanu xilligan u wanaagsan xiriirka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!