Dowladda Federaalka oo qaadacday shir looga hadli lahaa shidaalka Soomaaliya

Muqdisho – Mareeg.com: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaadacday shir 9-ka bishaan June ka dhici lahaa magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa baaqaday kadib markii dowladda Federaalka Soomaaliya shirkaas qaadacday.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Daa’uud Maxamed Cumar oo la hadlay BBC ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya shirkaas diiday kadib markii qolada shirkaas wadda aysan wasaaraddiisa kala tashadan qabsoomidda shirkaas.

Wasiirka batroolka iyo macdanta Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay shirkadaha shidaal ee baaritaannada ka wada qeybo ka mid ah dhulka maamul goboleedyada, wuxuuna sheegay in arrintaas aan wax natiijo ah ka dhalan doonin.

Wasiirka ayaa xusay in shirkaddii dooneysa iney shidaal ka baarto Soomaaliya ay tahay iney soo marto qaabka sharciga ah, islamarkaana lasoo xiriiro wasaaradda batrooka iyo macdanta Soomaaliya.

Daa’uud Maxamed Cumar ayaa sheegay in shirkadaha shidaalka ka baaraya qaar ka mid ah maamul goboleedyada ay abuurayaan muranno iyo khilaafaad. Wasiirka ayaa xusay in qaar ka mid ah shirkadaha shidaalku sheeganayaan heshiis aan jirin.

Ugu dambyentii, wasiirka batroolka iyo macdanta Soomaaliya Daa’uud Maxamed Cumar ayaa sheegay in shirkad kasta ee dooneysa iney shidaal ka baarto Soomaaliya ama heshiis hore ku jirtay ay lasoo xiriirto wasaaraddiisa.

Waxaa jira shirkado shidaal, kuwaasoo baaritaanno ka wada deegaanada Somaliland iyo Puntlnd, kuwaasoo aan soo marin dowladda federaalka ah, waxaana sidoo kale dhawaan shirakado kale ku dhawaaqeen iney dhul ku leeyihiin koonfurta Soomaaliya.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245