Dowladda Federaalka oo lagu eedeeyay khal-khal gelinta Amniga
Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya waxa uu ku eedeeyey faragelin ay ku heyso Arrimaha jubbaland iyo khalqal gelinta dhinaca Amniga kadib dagaal garoonka Kismaayo shalay ku dhexmaray Musharax Madaxweyne Cabdi Naasir Seeraar iyo Ciidamada Jubbaland.
War-Saxaafadeed kasoo baxay Maamulka Jubbaland ayaa lagu sheegay in wixii ka dhacay Garoonka Kismaayo ay eedeeda leedahay Dowladda federaalka,isla markaana ay taasi cadeyn u tahay khalqal gelinta amniga ay dowladda Soomalaiya ka wado deegaannada Jubbaland.
Waxaa sidoo kale dowladda Federaalka looga digay khalqal gelinta Amniga ee xilligaan, iyada oo lagu guda jiro soo xulista Xildhibaannada iyo diyaar garoowga doorashada Madaxtinimada Dowlad goboleedka Jubbaland,waxana ay baaq u direen Beesha Caalamka iyo Shacabka Soomaaliyeed.
Comments are closed.