Muqdisho, Mareeg.com: Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay iney guddi u saareyso dhibaatada ka dhalatay dabeysha ku dhustay qaar ka mid ah deegaanada Puntalnad oo maamulku sheegay iney ku dhinteen 100 qof 16 kalana la la’yahay.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Soomaaliya, Cabdikariin Xuseen Guuleed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa ka hadlay Duufaannadii ku dhuftay deegaanno ka tirsan Puntland.
Wasiirka ayaa sheegaya in xukuumadda Soomaaliya guddi heer qaran ah u saareyso sidii loo qiimeyn lahaa musiibada ku dhacday dadka xeebaha bari ee dalka Soomaaliya.
C/kariin Xuseen Guuleed ayaa hey’adaha gargaarka Qaramada Midoobay iyo Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in si deg deg ah ugu gurmadaan dadka ay duufaannada waxyeeleeysay duufaanta Cyclone.
Dhanka kale, culimaa’udiinka Puntland, gaar ahaan kuwa magaalada Bosaso ayaa bilaaway wacyigalin ku aadan sidii bulshada ay uga qeyb qaadan lahaayeen gurmadka loo fidinayo dadka ku waxyeeloobay masiibadii duufaanta ee ka dhacday xeebaha Puntland
Masaajidka Al-Rowda ee magaalada ayaa waxaa ka bilowday barnaamji dhaqaale loogu aruurinayo dadka ku habsatay masiibada oo qaarkood ay geeriyoodeen
Waxaa jira dhaqaale ay bixiyeen ganacsatada, bulshada ku nool magaalada qaarkaood, qaar ka mid ah musharaxiinta Puntland sida Cali Cabdi Awaare oo bixiyay lacag dhan $10,00 USD iyo culaa’udiinka
Waxaa sidoo kale jira shirkado lacago ugu deeqay dadkaasi sida shirkadda Golis oo bixisay lacan dhan $5000 USD iyo Amal Express oo bixisay lacag dhan $1500 dollar.
Mareeg.com