Dowladda Federaalka ah oo shaacisay iney si rasmi ah ula wareegtay maamulka hawada Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dowladda Federaalka ah oo shaacisay iney si rasmi ah ula wareegtay maamulka hawada Soomaaliya

Mareeg.com: Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday iney si rasmi ah ula wareegtay maamulka hawada dalka oo tan iyo burburkii hay’adda taabacsan Qaramada Midoobay oo lagu magacaabo ICAO ka maamuleysay caasimadda Kenya ee Nairobi.

Siihayaha Xilka Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Siciid Jaamac Qoorsheel oo maanta dalka dib ugu soo noqday ayaa Wariyeyaasha ugu sheegay garoonka Muqdisho in dowladda ay si rasmi ah ula soo wareegtay maamulka hawada Soomaaliya.

Wasiir Qoorsheel ayaa tilmaamay in 4-tii bishan December 2014 ay lasoo wareegeen gacan ku haynta iyo koontaroolka maamulka hawada Soomaaliya oo hada kadib laga maamulaayo garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

“Waxaan safar shaqo ah aan ku tagay dalka Canada, gaar ahaan magaalada Montreal oo ah xarunta laga maamulo diyaaradaha, waxaan dadaal xoogan u galnay sidii maamulka hawada uu gacanta dowladda Soomaaliyeed uga soo noqon lahaa, gaba gabadii 4-tii bishan ayaa dib loo soo celiyay”ayuu yiri Saciid Jaamac Qoorsheel.

Wuxuu sheegay inay tababar siinayaan dhalinyaro Soomaaliyeed si ay uga shaqeeyaan maamulka hawada dalka Soomaaliya, waxaana uu intaasi ku daray in hada aysan jirin shaqaalo arrintaan u tababaran oo Muqdisho jooga.

Saciid Qoorsheel ayaa sheegay in dhowaan la dhameystiri doono dhismaha Taawarka cusub, oo uu xusay in bilaha soo socda la soo gaba gabeyn doonaan, waxaana uu intaa ku daray in shaqaalaha aqoonta u leh ay ka shaqeyn doonaan.

Maamulka Hawada Soomaaliya ayaa laga hagayay dalka Kenya, halkaasoo xafiis ay leedahay ICAO ay ku maamuleysay.

Lama garanayo waxa maamulka Somaliland uga jawaabi doono la wareegidda dowladda Soomaaliya ee maamulka hawada, iyadoo dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland horay ugu hesheeyeen iney hawada maamulaan guddi isku dhaf ah oo fadhigoodu noqonayo Hargeysa.

Mareeg Media

 

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!