
Wasiirka arrimaha dibbada iyo Iskaashiga Caalamig ah ee dowlada Soomaaliya CabdiSaciid Muuse Cali iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku jooga dalka Talyaaniga ayaa wadahadalo la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga H.E Luigidimaio.
Kulankan ayaa labad dhex waxa ay ugaga wadahadleen sii xoojinta xiriirka iskaashi ee taariiqiga ah ee ka dhexeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Talyaaniga.
labada dhinac ayaa waxa ay ku heshiiyeen in si degdeg ah ugu dhaqaaqaan gaar ahaan dhinacyada muhiimka ah ee faa’iidada u leh labada dhinac sida waxbarashada, isdhaafsiga dhaqanka iyo horumarinta.
Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibbada Soomaaliya Mudane Cabdisiciid ayaa waxa uu heshiis is-afgarad ootaariikhi ah kula saxiixday magaalada Rome Mr.Minniti oo ka socday hay’ada fondazionemedor iyadoo uu heshiiskaas goobjoog ka ahaa wasiirka arrimaha dibbada Talyaaniga H.E Luigidimaio sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa heshiiskan wasiirka waxbarashada xukuumada federalka Soomaaliya Cabdulaahi Carab.
Heshiiskan ayaa waxa uu ardayda Soomaaliyeed ay heli doonaan deeq waxbarasho oo heer caalami ah.