Dowladaha Somalia iyo Jarmalka oo kala saxiiday heshiis hurumarinta Dalka * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dowladaha Somalia iyo Jarmalka oo kala saxiiday heshiis hurumarinta Dalka

Dowladaha Soomaaliya iyo Jarmalka ayaa kala saxiiday heshiiskii ugu horreeyay oo toos ah muddo ku siman 30 ka dib, waxaana heshiiskan uu ku saabasan yahay barnaamijyada Horumarineed ee Soomaaliya, kaasi oo lagu tixraacayo Qorshaha Horumarinta Qaranka Soomaaliyeed, Heshiinkan ayaana ah mid u daneeynayo labada dowladdood ee Soomaaliya iyo Germany.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Jamal Xasan Maxamed oo ay wehliyaan Xoghayaha Joogta ah ee Wasaaradda Abdi diirshe iyo Agaasimaha Xafiiska Ogolaanshaha Mashaariicda ee NOA Maxamaed Daahir Faarax, oo gaaray Dalka Germany ayaa dhinaca Soomaaliye u saxiixay,waxaana uu kala hadlay xariirka ka dhaxeeyo labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamaal Xasan Maxamed, ayaa sheegay in Hishiiskan uu yahay mid taarikhi ah Ummadda Somaaliyeedna ay ka faa’iideysan doonta mashaariicda ku dhax jira heshiiska.

“Heshiinkan waa mid xoojinaya maalgashiga labada dal waxaana ka faa”iideysan doona labada Shacab, dalkeena waa mid hadda soo korayo kuna wanaagsan in maalgashi lagu sameysto waa dal ku yeelo meel wanaagsan. Wasiir Jamaal ayaa sidaasi yiri.

Dr Stefan Oswald oo Wasaaradda iskaashiga dhaqaalaha iyo Horumarinta Dalka Germany u qaabilsan Qaaradda Africa ayaa boggaadisay horumarka ay Soomaaliya ay ku tilbaasatay sanadahii ugu dambeeyay dhinacyadda horumarinta Amniga, kaabayaasha Dhaqaalaha, iyo dib u dhiska, waxaana ay intaasi ku dartay in soomaaliya ay hadda mareyso meel wanaagsan loogana baahan yahay in maalgashi lagu sameysto.

Soomaliya iyo jermalka ayaa waxaa ka dhaxeeya Saaxiibtinimo soo jireen ah, waxaana dowladda Jarmalka Dalka ay ka hirgalisay Mashaariic badan

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!