Dowladaha Deeq Bixiyaasha Oo ku eedeeyay DF Soomaaliya Ka gaabinta Dhismaha ciidanka — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dowladaha Deeq Bixiyaasha Oo ku eedeeyay DF Soomaaliya Ka gaabinta Dhismaha ciidanka

Brussels (mareeg news) Shir ka dhacay magaala Brussel ee dalka Belgium ayaa laga sheegay in ciidamada Soomaaliya ay yihiin kuwo tabar-daran, hoggaankooduna uu liito Dowladdana looga baahan yahay in ay isbeddel ku sameyso.



“Ciidamada Soomaaliya waa inay waqti kooban ku sameeyaan horumar weyn, sababtoo ah waxay dib uga sii dhacayaan, oo ay uga sii dhacayaan waqtigii loo gooyey sanadidi tagtey inay guul ku muujiyaan” waxaa sidaas yiri Joshua Meserev oo ka tirsan machadka daraasaadka Heritage Foundation ee Washington.

Dhanka maaliyada ayaa aad loogu amaanay xukuumada soomaliya, Hay’adda lacaga adduunka ee IMF ayaa ka shaqeyneysay in la sameeyo hab maamul wanaagsan oo maaliyaded, waxayna qirtay in dowladda Soomaaliya ay sameyneyso isbeddelo la isku raacay oo dusha lagala socdo.



Dowladda Soomaaliya ayaa billowday hal account oo lacagta dadweynaha ah, si looga hortago xatooyada, waxayna canshuurta iibka kusoo rogtay dekedda Muqdisho iyo shirkadaha isgaarsiinta, sida uu sheegay wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh.

Daqliga dowladda ayaa afar laabmay, tan iyo sanaddii 2012.

Dowladda ayaa dhowaan geli doonta barnamaij IMF ah oo socon doona 12 bilood, kaasi oo ay rajeyneyso inuu noqdo kii ugu dambeeyey, dhabbahana u xaari doona in dib loo qaabeeyo deymaha shanta bilyan ee dollar ah ee lagu leeyahay Soomaaliya.



IMF ayaa sanadkan Soomaaliya u yaaboohi karta lacagtii ugu horreysay muddo 25 sano ah, taasi oo dowladda ay kaga kaaftoomi karto lacagaha kaga yimaada dalalka kale ee shuruudaha siyaasadeed wata.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!