Dowlada UK Oo Safiir Cusub U Soo Magacowday Soomaaliya

Read Time:34 Second

Dowlada Ingiriiska ayaa Safiir cusub u soo magacowday soomaaliya kaa oo la sheegay in uu badal u yahay safiirkii hore ee dalka Ingiriiska u fadhiyay Soomaaliya Harriet Mathews.

Qoraal kasoo baxay Dowladda UK ayaa lagu sheegay in safiirkii hore ee dowladda Ingiriiska u fadhiday Soomaaliya Harriet Mathews loo magacaabay xil kale oo cusub islamarkaana safiirkaan cusub uu ka shaqeyn doono xiriirka u dhaxeeya dalalka  Soomaaliya iyo sidoo kale dowladda Ingiriiska.

Safiirka cusub ee dowlada Ingiriiska u soo magacowday soomaaliya  ayaa waxaa lagu magacaaba David Conca kaa oo ka soo shaqeeyay wadamo dhowr ah oo ku yaalla dunida.

David Conca ayaa si rasmi ah shaqada ula wareegi doono bisha Janaayo sanadka soo socda ee 2017.

 

About Post Author

Xuseen Axmed

Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %