Dowlada Turkiga Oo Si Kulul U Cambaareysay Qaraxii Shalay Ka Dhacay D/wadajir * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dowlada Turkiga Oo Si Kulul U Cambaareysay Qaraxii Shalay Ka Dhacay D/wadajir

Dowlada Turkiga ayaa si kulul u cambaareysay Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Xarunta Degmada wadajir ee Gobolka Banaadir kaas oo ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 20 qof.

War saxaafaded ka soo baxay safaarada Turkiga ee ku leedahay Magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in dowlada Turkiga ay ka xuntahay weerarkii xooganaa ee shalay Muqdisho ka dhacay.

Waan cambaareyneynaa weerarkaas dambiga weyn ah, Ilaahay waxaan ka rajeyneynaa in uu naxariistiìsa siiyo kuwii goobtasi ku dhintay,caafimaad deg deg ahna uu u keeno intii dhaawacyada ay soo gaaren, ayaa lagu yiri war saxaafadedka kasoo baxay Safaarada Turkiga ee ku leedahay Magaalada Muqdisho.

War saxafaadedka ayaa lagu cadeyay in Turkiga uu sii wadi doono inuu ku garab taagnado shacabka iyo dowlada Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiran argagixisadaa.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!