Dowlada Turkiga Oo Diyaarad Wada Gargaar Caafimaad U Soo Dirtay Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dowlada Turkiga Oo Diyaarad Wada Gargaar Caafimaad U Soo Dirtay Soomaaliya

Madaxweynaha Dalka Turkiga Rajab Deyib Erdogan ayaa Magaalada Muqdisho u soo diray diyaarad wadda Daawooyin iyo shaqaale caafimaad,taas oo sidoo kale marka ay u laabaneysana Dalka Turkiga u qaadeysa Dhaawacyada halista ah ee ka dhashay qaraxii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Sida uu sheegay Afhayeenka Madaxweynaha Turkiga  Ibrahim Khaliil Diyaaraddan oo ay leeyihiin Milatariga Turkiga waxaa la socda shaqaale Caafimaad,waxaa kale oo ay waddaa dawo dowlada Turkiga ugu talagashay Soomaaliya.

Afhayeenku waxaa uu sheegay in iyada oo dowlada Turkiga ay ka qeyb qaadaneyso gurmadka dadka ku waxyeeloobay qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho ay soo dirtay Diyaaraddaas oo la doonayo in Turkiga lagu geeyo dhaawacyada daran.

Qaraxii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa ahaa kii ugu Khasaaraha badnaa ee soo mara Magaalada Muqdisho,waxaana illaa iyo hada la ogeyn Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxaasi.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!