Mareeg.com: Wafdi ka socda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saaka u ambabaxay dalka Denmark si ay uga qeybgalaan shirka looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ee dhawaan ka furmi doona magaalada Copenhagen.
Shirkan oo 19- 20- ka bishan ka dhici doona dalkaas ayaa looga hadli doonaa arrimaha Soomaaliya iyo qorshayaasha dowladda ee ku aaddan horumarka dalka.
Waxaa shirka ka qeybgelaya wakiilo ka socda dalal badan oo ka tirsan caalamka, wakiilo ka socda dowladda Soomaaliya, xubno matalaya maamul goboleedyada iyo ergooyin kale.
Wasiirka arrimaha gudaha C/llaahi Goodax Barre oo ka mid ah wafdiga dowladda uga qeybgalaya shirkaasi ayaa sheegay in ka qeybgalaan shirka looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.
Goodax ayaa xusay in shirkaasi lagu qiimeeyn doono wax qabadka dowladda ee sanadkii la soo dhaafay iyo wixii ka qabsoomay heshiiskii New Deal, isagoo intaa ku daray ineey shirka geeyn doonaan warbixin ku saabsan wixi dowlada uga qabsoomay arrimahaasi.
Shirkaan ayaa dhacay iyadoo khilaaf xoogan u dhaxeeya madaxda dowladda Soomaaliya, iyadoo baarlamaankuna kala qeybsamay.
Dowladda Mareykanka ayaa ka baaqaneysa shirkaas, iyadoo ka carootay khilaafka ragaadiyey madaxda Soomaaliya, waxeyna sidoo kale sheegtay iney jareyso lacagtii ay ku taageeri jirtay dowladda.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.