Dowlada Soomaaliya oo shaacisay Magaca Horjoogaha lagu dilay Howlgalkii ay Fuliyeen Kumaan-dooska Dowlada
Dowlada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Howlgalkii Ciidamada Kumaan-dooska xalay ay ku qaaden Deegaano hoostaga Gobolka Shabeellaha hoose ay ku Dileen Horjooge sare oo ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab iyo Dagaalyahaano dhowr ah.
General Cali Baashi oo ah Abaan-duulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyay in howlgalkaasi lagu dilay Horjooge lagu magacaabo Xasan Cali Dhoore oo Kooxdaasi u qaabilsanaa Amniyaadka iyo Toboneeyo kale oo isaga xiligaasi la joogtay.
General Cali Baashi, waxa uu sheegay in Horjoogahaasi la baadi goobayay mudo farabadan balse hada ay Ciidamada Kumaan-dooska Dowlada ku dileen macluumaad ay heleen.
Horjoogahaan ayaa waxaa horay Madaxdiisa lacag u duldhigtay Dawladda Soomaaliya,wuxuuna Madax ka ahaa qaybta Amniyaat-ka ee Alshabaab oo ah kuwo fuliyay Dilalka Qorshaysan.
Ugu danbeyntii, Hawlgalkaan ayaa ah kii labaad oo maalmo kooban gudahood ay Kumaandoosku ka fuliyaan Shabeellaha hoose.
Comments are closed.