Dowlada Soomaaliya oo Hubka in ay dhigaan ugu baaqday Dhalinyarada Al Shabaab * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dowlada Soomaaliya oo Hubka in ay dhigaan ugu baaqday Dhalinyarada Al Shabaab

Mareeg.com-Muqdisho -Mudane Max’ed Sheekh Xasan Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya oo u warramayay Warbaahinta ayaa ugu baaqay dhalinyarada Al Shabaab ka bar bar dirirta in ay Nabadda qataan oo ay isu soo dhiibaan dowladda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladdu ay diyaar u tahay in Mustaqbal wanaagsan ay u sameyso dhalinyaradaasi la qaday sida uu hadalka u dhigay.

“ Ma aha in gacmihiinna aad dhiig uga daadisaan Dadkiina kuna bur burisaan dalkiinna” ayuu Yiri Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Max’ed Sheekh Xasan Xaamud.

Ugu dambeyn Wasiirka ayaa ku baaqay in Gurmad gar gaar oo deg deg ah lala gaaro Deegaanada dhawaan dowladda ay kala wareegtay gacan ku heyntooda dhaq dhaqaaqa Al Shabaab kuwaas oo uu sheegay in uu saameeyay xilliga Jiilaalka ee haatan lagu guda jiro.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!