Dowlada Soomaaliya Oo Berri Fasaxday Dhamaan Shaqaalada Rayidka Ah * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dowlada Soomaaliya Oo Berri Fasaxday Dhamaan Shaqaalada Rayidka Ah

Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in maalinta berrito ah oo ay taariikhda Hijriyadu ku beegantahay  12-ka Mowliid ay shaqaalaha Rayidka ah ee dowladdu fasax ka yihiin shaqada.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Maxamed Cadde Mukhtaar oo la hadlay Warbaahinta dowlada  ayaa sheegay  in munaasabadda xuska dhalashada Nebigeenna Muxamed darteed loo fasaxay Shaqaalaha dowladda.

Wuxuu tilmaamay in Ummadda Soomaaliyeed iyo dhamaan shucuubta muslimiinta ah ay dhalashada Nebageennu u tahay maalin farxadeed oo ay aad u weyneyaan islamarkaana ay ka nastaan shaqooyinka kale.

Wuxuu u ku boorriyay Shaqaalaha iyo bulshada inteeda kale iney weyneeyaan munaasabadda xuska dhalashadii Nabigeenna Muxamed NNKH.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!