Dowlada Soomaaliya oo beenisay in askar Turki ah joogaan dekeda Muqdisho

Read Time:46 Second

Mareeg.com: Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Yuusuf Macalin Aamiin Baadiyow ayaa ka hadlay warar sheegayay in Ciidamo ka tirsan Dowladda Dalka Turkiga ay ka Howlgalaan dekadda Magaalada Muqdisho ee dhawaan lagu Wareejiyay Shirkad lagu Magacaabo Al-bayrak oo Wadanka Turkiga laga leeyahay.

Wasiir Baadiyow ayaa sheegay in ay jiraan Injineero ka tirsan Dowladda Dalka Turkiga islamarkaana loogu talo galay in ay xafiisyo ka dhisaan Dekada Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaana uu Xusay in aysan jirin gabi ahaanba Ciidamo Turkiga ka socda oo dekadda jooga Xukumadda Soomaaliyana ay og tahay.

Yuusuf Macalin Aamiin Wasiirka Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda ayaa Xusay in Dowladda Soomaaliya ay ka war qabto Ciidan walba oo la keeno dalka Soomaaliya islamarkaana ay awood u leedahay in ay ogaato.

Debadabaxayaal xoogsato ah oo todobaadkii hore ku mudaharaaday dekedda Muqdisho ayaa ku eedeeyey Turkiga in mid ka mid ah askartooda oo wata bastoolad uu rasaas la beegsaday.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.