Dowlada Soomaaliya Iyo AMISOM Oo Shir Xasaasi Ah Uga Socdo Xarunta Xalane + Sawirro * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dowlada Soomaaliya Iyo AMISOM Oo Shir Xasaasi Ah Uga Socdo Xarunta Xalane + Sawirro

Shir u dhaxeeya dowlada Soomaaliya iyo AMISOM ayaa waxaa uu ka socdaa Xarunta Ciidanka Midowga Afrika ee Xalane waxaana shirkaan looga hadlayaa sidii Ciidamada dowlada Soomaaliya ay ula wareegi lahaayeen mas’uuliyada ammaanka dalka.

Shirkaan ka socda Xarunta Xalane ayaa waxaa ka geyb galaya Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Wasiirka Gaashaandhiga, Taliyeyaasha Ciidamada iyo Saraakiisha, Madaxa Midowga Afrika ee Soomaaliya, Saraakiisha sar sare ee AMISOM, Saraakiil Ciidan oo ka socota Midowga Yurub, UK iyo Mareykanka.

Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM, Amb. Francisco Madeira ayaa sheegay in shirkan ahmiyadiisu tahay sida ugu haboon ee go’aamada iyo talooyinka loo gaari karo, hadii ay yihiin AMISOM iyo Taliska Ciidamada Xoogga dalka.

Bishii April ee sanadkan Madaxda Soomaalida ayaa gaaray heshiis ku saabsan dhinaca ammaanka, kaa soo dhigaya dhismaha Ciidamada Qaranka ee AMISOM kala wareegaya Ammaanka, marka la gaaro sanadka 2018.

Dowlada Soomaaliya ayaa wadda qorshayaal lagu xoojinaayo Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed si ay AMISOM ugala wareegaan Ammaanka Dalka .

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!