Dowlada Somalia oo soo saartay go’aan ka nixiyey shirkaddo ay heshiisyo kala duwan kula jirtay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dowlada Somalia oo soo saartay go’aan ka nixiyey shirkaddo ay heshiisyo kala duwan kula jirtay

Dowlada Soomaaliya ayaa ka baxday heshiisyo ay kula jirtay shirkaddo gaar loo leeyahay oo wada shaqeyn la leh heyadaha iyo ciidamada dowlada.

Wareegto ka soo baxday xafiiska wasiirka Maaliyada Somalia C/raxmaan Ducaale Beyle 29-kii bishii hore oo loo diray dhamaan heyadaha dowladda Somalia, laguna wargeliyey Madaxweynaha iyo raisul Wasaaraha Somalia ayaa lagu sheegay in dowlada Somalia ay ka baxday heshiisyadii ay kula jirtay shirkadaha gaarka ah loo leeyahay laga bilaabo 31 July oo ah bishii dhamaatay.

Waaxda Canshuuraha Barriga ee Wasaaaradda Maaliyadda ayaa lagu faray wareegtadan iney la wareegto dhamaan howlihii ay hayeen shirkadaha heshiiska looga baxay.

Laguma xusin wareegtada sababaha keenay arintan, waxaana shirkadahan heshiisyada la gashay dowladii hore ee Soomaaliya, iyadoo talaabadan ay lama filaan ku noqotay shirkadaha heshiisyada looga baxay oo ay ka mid yihiin Shirkadda Passporka, Shirkadda Lesinada iyo Taargooyinka, Shirkadda Tresmitralaha, Shirkadda Gaadiidka Airporka, Shirkadda Sameysa Shahaadooyinka, Shirkadda qiimeynta waxyaabaha la soo geliyo dalka (Quality Control), Shirkadda PGM ee Dekadda, Shirkadda Scanka Dekadda, Shirkadda Shidaalka siisa Ciidanka milateriga, Shirkadda Raashinka iyo Cuntada siisa Police-ka iyo qaar kale oo fara badan.

Shirkadaha heshiiska looga baxay ayaaney ku jirin kuwa Turkiga ee maamula dekeda iyo garoonka dayuuradaha Muqdisho, lamana sida howlahan ay u maareyn doonto Waaxda Canshuuraha Barriga ee Wasaaaradda Maaliyadda oo howlihii shirkadan lagu wareejiyey.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!