Dowlada Somalia oo soo dhaweeyay wadahadal u furmaya Galmudug iyo Maamulka Gobolada Dhexe

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay wadahadalada la filayo in dhawaan Maamulka Galmudug iyo midka Gobolada Dhexe ee Ahlu Sunna uga furmo Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

 

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa xusay in Xukuumaddiisa ay door mugleh ka qaadan doonto sidii ay isugu soo dhawaan la haayeen Madaxda Galmudug iyo Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlu Sunna.

 

Mr. Cumar Cabdirashiid ayaa ugu baaqay labada dhinac in loo baahan yahay in laga gudbo khilaaf islamarkaana la wada yimaado  miiska wada hadalka si loo   soo saro wayaabaha la kala tabanayo.

 

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay Waxgaradka, Siyaasiyiinta iyo Nabadoonada Soomaaliyeed  in ay taageeraan wadahadaladaasi la filayo in uu Magaalada Dhuusamareeb uga furmo Madaxda Galmudug iyo Maamulka Gobolada Dhexe ee AhluSunna.