Dowlada Somalia oo ku guuleysatay Wejigii Koowaad ee qorshaha looga cafinayo deymaha * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dowlada Somalia oo ku guuleysatay Wejigii Koowaad ee qorshaha looga cafinayo deymaha

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleystay sadexdii bilood ee sanadkaan 2018 ugu horeysay inay soo xareyso dakhli gaaraya 42 milyan oo dollar, taasoo qayb ka ah Fulinta Qorshaha deymaha looga cafinayo.

Waxay talaabadan ka dhigan tahay in dowladda Soomaaliya ku guuleystay barnaamijka SMP2 oo sahlaya in deymaha IMF laga cafiyo.

Raisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xassan Cali Kheyre ayaa kormeer shaqo iyo bogaadin ku tagay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda dalka, ka dib guusha ay wasaaraddu ka soo hoysay dakhliga gudaha sadexdii Bilood ee la soo dhaafay.

Raisul wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa madaxda Wasaaradda Maaliyadda ka dalbaday inay xoogga saaraan ururinta Canshuuraha Barriga, si dowladu ay isku filnaasho dhinaca dhaqaalaha ah u gaarto.

Wasiir Maaliyada Somalia Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa tilmaamay inay si habsami leh u socoto howsha canshuuraha, isagoo xusay in amaanta ay mudan yihiin shaqaalaha ku howlan arrinkaasi.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa maalmihii la soo dhaafay waxay si xowli ah diirada u saareysay sare u qaadida Dakhliga gudaha oo la doonayo inuu kor uga koco sidii uu ahaa, taasoo hadda lagu guulaystay.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.