Dowlada sida cad u diidan& Arin kasoo Cusboonaatay Musharaxnimada Shiiq mukhtaar Rooboow

Muqdisho ( Mareeg News ) Musharaxnimada shiiq mukhtaar Rooboow oo dood badan ka dhex  dhalisay siyaasiyiinta soomaalida iyo shacabka soomaaliyeed Ayaa sidoo kalana sababtay in ay dhalto Dood weyn oo dhanka Diplumaasiyada ah Oo u dhaxeysa dowlada soomaaliya iyo dowladaha saaxiibada ah ee Daneeya arimaha somalia.

Arinta xiisaha gooniga ah leh ayaa ah in dowlada qadar ay tageereyso shiiqa iyadoo ku qabta kalsooni badan , waxeyna doneysaa ineey ku badasho Shariif xasan shiiq aadan oo lagu tiriyo dhanka imaaraatka , Dowlada qadar waxeey wadaa Dadaal ay ugu jirto Sidii ay dhamaan gobolada dalka ugu dhiibi laheeyd hoggaan ku aragti ah Hoggaanka Dowlada dhexe oo hada saaxiib dhaw la ah Dowlada qadar, Qadar hoggaanada dowlad goboleedyada hada jira waxeey ku tirineysaa inee yihiin kuwa cilaaqaad dhaw ay kala dhaxeyso imaaraatka carabta iyo xisbigii hore ee xasan shiiq .

Imaaraatka carabta ayaa hada dowlada somaaliya iyo Mareekanka ku qalqaalineyso ineey ka hor istaagaan shiiq mukhtaar rooboow noqoshada Madaxweynaha Maamulka koonfur galbeed soomaaliya .