
Taariikhda 21/11/207 Munaasabad aad loo agaasimay ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho taasi ay Dowladda Shiinaha ugu deeqday Hay’adda Q.M. ee Daryeelka Caruurta UNICEF Jeeg Deeq ah oo ay ku qoran tahay lacag gaarysa 2 Milyan oo Dollar, taasi oo lagu daryeelayo Caruurta Soomaaliyed oo tiradoodu gaarayso 15,000 Caruur ah oo la soo deristey nafaqodarro oo ku dhaqan goboladda Koofurta & Bartamaha Soomaaliya.
Ugu horeyntii waxaa halkaasi hadallo soo dhowayn iyo Mahadcelin ka soo jeediyay Wakiilka UNICEF Somalia Mr. Sreven Luwerier isagoo aad ugu mahadceliyay Dowlada Shiinaha iyo shacabkeeda deeqdaaasi waxgalka ah ay ugu deeqeen Somalia, iyagooo u soo marsiinaya Hay’adda UNICEF
wuxuu intaasi sii raaciyay Wakiilka UNICEF Mr. Luwerier in loo baahan yahay in kor loo qaado lana sii joogteeyo sanadka 2018 si looga hortago macluul ka sii socota Soomaaliya; isagoo caddeeyay Gargaarkan ay bixiyeen Dowlada Shiinaha waqtigan xaadirka uu kaalin weyn uu ka qaadan doono badbaadunta nolosha caruurta Soomaaliyeed, wuxuu u rajeeyay inay deeqdani bilow u noqoto joogtaynta deeqaha Shiinaha siinayo Soomaaliya una soo marsiinayo UNICEF kana wada howl galaan Soomaaliya gudaheeda waxtar weyn ay yeelan doonto mustaqbalka.
Waxaa isagana halkaasi hadal qiimo leh ka jeediay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Mr. Qin Jian isagoo yiri “Annaga oo sii marinayna UNICEF dadka dhibaatada hayso ee ku nool degaanada fog fog ee Soomaaliya aan ugu deeqno gargaar naf badbaadin ah, wuxuuna intaasi raaciyay in dalkiisa ay ka go’an tahay gargaarka baniadanimada ee ay hoggaaminayso dowlada Soomaalliya waxaana aad ugu faraxsanahay inaann UNICEF kala shaqayno hubinta baahida dadweynaha Soomaaliyeed ee u nugul dhibaatada ka jirta Soomaaliya, gaar ahaan haweenka iyo caruurta isagoo ballan qaaday inay dadka Soomaaliyeed caawin doonaan waqtigan adag oo ay ku sugan yihiin
Ugu danbeyntii waxaa khudbahihii qaayaha lahaa soo gagabeeyay Wasiir Ku Xigeenka Maareynta Masiibooyinka iyo Gargaarka ahna ku simaha Wasiirka Wasaaradaasi Md. Cilmi Cumar Caynsane isagoo aad ugu mahadceliyay dowlada Shiinaha dadalkooda iyo deeqsinmada ay ku gar gaaranayaan dadka Soomaaliyeed xillyadan adag oo ay wajahayaan isagoo ammaanay doorka UNICEF ee u gargaarida ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Hooyada & Dhalaanka.
Isagoo u rajeeyay inay Soomaaliya gaarto inay isku filnaato mustaqbalka sidii ay u maareyn lahayd arrimahooda baniaadanimada, waxaana gaba gabadii saxiixay Danjiraha Shiinaha Mr. Qian Jian isagoo si wadajir ah u gudoonsiiay Jeegaasi deeqda ah oo ay ku qoran tahay 2 Milyan Dollar Wasiir Ku Xigeenka Maareynta Masiibooyinka iyo Gargaarka ahna ku simaha Wasiirka Wasaaradaasi Md. Cilmi Cumar Caynsane iyo Wakiilka UNICEF Somalia Mr. Sreven Luwerier.
Munaasabadaasi oo ay goob joog ka ahaayeen Madaxda & Shaqaalaha UNICEF oo isugu jirey Soomaali iyo Ajaanib ayaa ku soo gabagabowday jawi farxad leh iyo rayn rayn leh.