Dowlada Oo Ku Dhawaaqday Inuu Baaqday Shirweynihii Qaran Ee Dastuurka * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dowlada Oo Ku Dhawaaqday Inuu Baaqday Shirweynihii Qaran Ee Dastuurka

Waxaa maanta dib u dhac uu ku yimid Shirweynihii Qaran ee looga hadli lahaa dib u eegista Dastuurka Dalka oo lagu waday in maanta Magaalada Muqdisho uu si rasmi ah uga furmo.

C/raxmaan Xoosh Jibriil oo ah Wasiirka Wasaarada Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Shirka dib loo dhigay furitaankiisa kaasi oo lagu balan sanaa maanta oo ay Taariikhdu ku beegan tahay 08-da October inuu ka furmo Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Mudooyinkaan dambe waxaa Muqdisho ka socday qaban qaabada Shirweynaha Qaran ee dib u eegista Dastuurka Dalka waxaana waday Wasaaradda Dastuurka, iyadoona loo qorsheeyey inay Shirkan ka qeybgalaan ku dhowaad 500 ruux oo qeybaha bulshada,siyaasiyiin iyo qurbo joog isugu jira ayadoo ololahana ku talagalkiisu yahay in uu socdo mudo laba sano ah.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!