Dowlada Mareykanka Oo Qiratay In Ay Duqeyn Ku Dishay Ciidamo Ka Tirsan Maamulka Galmudug

Read Time:42 Second

Cismaan Ciise Nuur (Taardhuleed) oo ah Wasiirka amniga maamulka Galmudug oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah maamulka Galmudug ayaa sheegay in dowlada Mareykanka ay qirteen in ay dileen ciidano ka tirsan dowlada Galmudug.

Wasiirka amniga maamulka Galmudug ayaa sheegay in dowlad Goboleedka Galmudug ay soo dhoweynayaan qirashada dowlada Mareykanka ay qiratay in ay duqeyn la beegsadeen Saldhig Ciidanka Galmudug ay ku lahaayeen Deegaanka Jeexdin.

“Waan ku faraxsannahay in Maraykanka ay dib uga laabatay hadalkii ay ku andacoonaysay ee ahaa inaysan dilin ciidamo ka tirsan Galmudug waana soo dhoweynaynaa inay qirtaan in ciidankii ay dileen ay ahaayeen Galmudug” ayuu yiri wasiirka amniga Galmudug.

Dhinaca kale Wasiirka maamulka Galmudug Cismaan Ciise Nuur (Taardhuleed) ayaa sheegay in muhiim ay tahay in dowlada Mareykanka ay bixiso lacag mag dhow ah ciidankii Galmudug kaga dhintay Duqeyntii ka dhacay deegaanka Jeexdin.

 

About Post Author

Xuseen Axmed

Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.