
Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa sheegtay inaysan xilligan munaasab ku ahayn inay AMISOM ka baxaan Soomaalia, waxayna ka digeen inay Kooxaha Xag-jirka wax u dhimi doonaan Mandiqadda Gobalka, waa sida hadalka loo dhigay.
Sarkaal ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka oo lagu magacaabo Wohleris Mariyoon ayaa u sheegay Wargeyska The East African ee ka soo baxa magaalladda Nairobi inaysan Dowladda Maraykanka rajeyn doonin inay wax Ciiddan AMISOM ka baxaan Soomaalia bisha soo socota ee December.
Waxa uu carrabka ku dhuftay inay Dowladda Maraykanka diyaar u tahay inay Ciiddanka AMISOM siiyaan Taageero dhinacyadda Tababarka, Dhaqaalaha, Loojistikada iyo Taageeradda La-talinta, si loo dhiso Awoodda Ciiddanka Soomaalia ee ka garab shaqeeya kuwa AMISOM.
“Annaga ma taageeri doono in hoos loo dhigo Heerkaasi xilligan, iyadoo la fahamsan yahay Walaaca Ammaanka ee sii socda” ayuu yiri Wohleris Mariyoon.
Waxa uu intaasi ku daray inay Maraykanka taageerayaan Shuruudaha asaaska u ah Dhimista Ciiddanka AMISOM, taasi oo uu xusay inay ku xiran tahay Horumarinta Awoodda Khibradeed ee Ciiddanka Ammaanka Soomaalia.
Si kastaba ha ahaatee, Golaha Ammaanka ee QM waxay bishii August ee sannadkan soo saareen Qaraarkii tirsigiisu ahaa 2373, kaasi oo lagu muujiyey in ay Dhismista Ciiddanka AMISOM bilaaban doonto dabayaaqada bisha December ee sannadkan 2017-ka.
Taliska AMISOM waxay iyagana dhawaan sheegeen in bisha soo socota 1,000 Askari oo AMISOM ah laga daad-gureyn doono Soomaalia, iyadoo 1,000 kalena la daad-gureyn doono bisha May ee sannadka soo socda ee 2108-ka.
Sidoo kale, Qeybta ugu dambeysa ee 21,000 Askari ee Ciiddanka AMISOM ka jooga Soomaalia waxaa laga daad-gureyn doonaa sannadka 2020-ka.