Dowlada Kenya Oo 17 Qof Somali ah dib ugu celisay magalada muqdisho & Sabta Oo Aan la Ogeeyn

Read Time:53 Second

Muqdisho ( Mareeg News ) Dowlada Kenya ayaa dib ugu soo  celisay magaalada Muqdisho illaa 17 muwaadiniin Soomali ah oo ku sii jeeday magaalada Kampala ee dalka Uganda iyadoo diyaaradii ay saarnaayeen ay hakad ku sameyneysay garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta.

Muwaadiniintan Soomaalida ah ayaa loo diiday inay u sii gudbaan dalka Uganda waxaana lagu eedeeyay inay buuq iyo rabshado ka sameeyeen garoonka diyaaradaha.

Sarkaal u hadlay laanta socdaalka Kenya Gordon Kihalangwa, ayaa sheegay in dadka dib loogu celiyay Muqdisho ay ahaayeen kuwo aanan haysan dukuminti rasmi ah iyo oggolaansho dhinaca ammaanka ah.

Dowlada Kenya  gaar ahaan Booliska,Sirdoonka iyo hay’ado kale ayaa adkeeyay  ammaanka garoomada diyaaradaha iyadoo dowlada Kenya ay u diyaargaroobayso in duulimaadyo ay diyaaradaheeda si toos ah ugu tegeyaan dalka Maraykanka.

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee safar ku mara dalka Kenya  ayaa dhibaato kala  kulma garoomada diyaaradaha  ee dalkaas iyadoo sida dhacday shalay dib loogu soo celiyo magaalada Muqdisho.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxa safaarada Soomaaliya ee dalka  Kenya  ama Wasaarada Arrimaha  Dibada dalka dhibaatooyinkaas Soomaalida ku haysta garoomada diyaaradaha dalka Kenya.

About Post Author

Ahmed weheliye Gaashaan

freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %